UJEEDOOYINKA URURKA

الحمد لله ، والصالة والسالم على رسول الله محمد وعلى آله وصحبه وسلم

Dhammaan walaalaha somaliyeed ee degan downtownka iyo nawaaxigeeda waxan jecleeysanay inaanhalkaan idiinkula wadaagno ururka [Downtown Somali Union] oo jirsaday 6 sanadood. Waxaana loo aasaasay in uu isu keeno bulshada downtown ka degan si wax looga qabto baahiyahooda.

Ujeedooyinka ururkana waa sidaan hoos ku xusan:

1- Inaan hiigsano gaarida iskufilnansho adegyada bulshada dhinac walba (somali u adeego somali)

2- In dhalinyaradda lagu dhiirigeliyo guud ahaan waxbarashada iyo ku dhaqanka diinta Islaamka.

3- In dhalinyaradda laga dhiso dhanka la dhaqanka bulshada ay la nool yihiin.

4- In la xoojiyo lana wacyi geliyo xeriirka ka dhaxeeya dhalinyarada iyo waalidiintooda.

5- In waalidiinta lagu wacyi geliyo sida ay caruurtooda ugu hagi lahaayeen dhinaca waxbarashada.

6- In la xoojiyo xeriirka hooyada iyo aabaha si ay caruurtooda isku meel oogu soo wada jeestaan.

Waxan jecleeysanay inaan idinkala tashano anagoo somali isku degaan (downtown) ah, isku duuban

mudnaanta ya leedahay ka guul gaaridda ujeedooyinkaas taas oo noo sahleesa waxka qabadka

baaahideena faraha badan oon aan looga bixi karin kali kalinimadii aan ku soo soconay sodonkii sano ee

aan wadankan joognay. Baahideenaas waxaa ka mid ah:

1- Maadaama ay dhab noqotay in badankeen wadankaan ka guuraynin, waxaa baahideena ugu

horreeya in aan u noolaano si wadajir ah (community) dhibkeenana meel uga soo wada jeesano,

yeelano cod xoog leh oo siyaasiintu tixgeliso ama ku tashato sida umadaha kaleba.

2- Noolaashii keli kelida ee aan ku nooleen muddo dheer waxaan ka dhaxalnay in ka somali ahaan

aanan maanta lahayn oo aan ka dayacanahay waxyaabahan hoos ku xusan:

A- Waxbarashada: Khaas ahaan ilmaheena, ma laha iskuulo u gaar ah, markaa waxay dantu

biday; public iskuul oo dhib weyn ka jiro aa dog tihiin ama Islamic iskuul oo aan laheleeyn

hadii la helana aan la awoodin kharashkiisa.

B- Faamiliyada: Ma lihin odayaal iyo wax garad is xilqaamay oo xalliya khilaafka dhex mara

lamaanihii is qabay. Marka waxaa xal u noqday ama police & maxkamad ama iska sabar oo

ciil la nooloow ama kala taga.

C- Diinta: Ma lihin masjid noo gaar ah oon ku gudano adeegyada diinta sida cibaadada iyo

waxbarashada iyo munaasabadaha diineed. waxaa xal noqday marba masjid dad kale camir

D- Suuqyo Adeeg ah: Ma lihin suuqyo sida hilib xalaal iyo waxii la mid ah oo baahideena

daboolayo. Waxaa xal u aragnay inaan customer u ahaano umado kale.

E- Xarumo sport: Ma lihin meelo noo gooni ah oo ay dhalinyaradu ku ciyaaraan (sport). Uruku

intuu jiray waxuu ku guulaystay inuu sanad walba permit ka helo skuulka Nelson Mandela

oo ay dhalinyaradu ku baashaalaan